Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlayey Xubnah Baarlamaanka Sabtidii shalay Kalfadhiga 7-aad , kulankiisa 32-aad ayaa Sheegay in la isku raacay In Baalamaanka la hor keeno 15ka bishan February warbixintii wax ka bedelida Dastuurka laga sameeyay oo ay soo diyaariyeen gudiga dastuurka Baarlamaanka iyo guddi madax bannaan ee loo xulay wax ka bedelka Dastuurka.
Waxa uu guddoomiyuhu xusay In dadweynaha la wargelinayo isla markaana la galayo wada tashiyo Baaralamaanka Federaalka iyo Baarlamaan goboleedyada dalka
Sida uu sheegayo Qodobka 133 ee Dastuurka ,faqradiisa 8-aad ” waxayna fareysaa in maamul goboleedyada laga tala geliyo arrimaha ansixinta Dastuurka, sidaa daraadeed waxaan casuumaad u diray dhammaan guddoomiyaasha Baarlamaanada Maamul goboleedyada dalka si la iskula meel dhigo qorshaha agtooda lagu aadayo ee wadatashiga Dastuurka”.




From the comments