Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aden Ibraahim Ferkeeti ayaa soo dhaweeyey ansixintii Goluha Barlamaanku ay ansixiyeen hindisihii ay soo gudbisay Wasaarada Maaliyada ee ku aadanaa ka xubin noqoshada Hay’ada Iskaashiga Islaamiga iyo Horumarinta (Islamic Cooperation of Development) ICD.
Wasiirka Maaliyadda Maxamed Aden Farkeeti ayaa u mahadceliyey Xubnaha Golaha Barlamaanka, sida wada shaqayntu ku dheehan tahay ee ay u ansixiyeen xubin ka noqoshada Hay’ada Iskaashiga Islaamiga iyo Horumarinta.
“Hay’ada Iskaashiga Islaamka iyo dhiiri galinta Ganacsiga waxay u sahlaysaa Soomaaliya iney fursado u helaan illo dhaqaale oo dibadda uga yimaada taas oo kor u qaadaysaa wax soo saarka, waxayna siinaynsaa taageero shirkadaha ku howlan ganacsiga yar yar iyo kan dhexe, waxaa kale oo ay dhiiri galinaysaa hal buurka ganacsiga, iyo tarntan sare u qaadi kara ganacsiga gaarka loo leeyahay. Ansixinta heshiiska ICD wuxuu awood u siin doona Soomaaliya inaan kor u qaado ganacsiga gaarka loo leeyahay si uu uga qeyb qaadaato shaqo abuurka gaar ahaan dhalinyarada shaqada doonka ah” ayuu yiri Wasiir Ferkeeti.




From the comments