Wasiir Odowaa Iyo Wasiiro Kale Oo Ka Qeybgalaya Furitaanka Dekadda Hobyo
Sheeko:Dalka

Wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka ayaa goordhaw Gaaray Hobyo Si Ay Uga qeyb qaataan furitaanka dekadda degmadaasi
Wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka dhalinyarada sportiga, wasiiru dowlaha madaxtooyada iyo ganacsato ayaa gaaray Hobyo.
Wasiirada ayaa la sheegayaa in ay halkaa u tageen arrimo la xiriira dekadda Hobyo oo dhawaanahan ka socotay dayactir.
Lama oga in dekadda la furi doono iyo in kale, laakiin waxaa Hobyo horay u sii joogay madaxweynaha Galmudug Cabdikarim Guuleed iyo madax kale oo ka tirsan maamul-ka Galmudug.
Goobjoog News