Qarax Miino ayaa lagu soo waramayaa in maanta lala eegtay gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan Booliiska Jubbaland, kuwaasi oo ku sugnaa meel ku dhaw garoonka Kismaayo.
Miinada ayaa ahayd kuwa meelaha fog laga hago sida ay sheegeen saraakiil Jubbaland ah, iyadoo halkaasi uu ka dhashay khasaare dhaawac u badan.
Saraakiisha Jubbaland qaarkood oo aynu isku daynay inaan wax ka weydiinno khasaaraha inta uu la egyahay ayaa ka gaabsaday.




From the comments