Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ka bixitaankii hore ee ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee magaalada Marka ay ahayd qaab farsamo xumo ah, islamarkaana markii hore aanu qorshaha ku jirin in magaaladaasi la banneeyo.
Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in hadda ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay guud ahaan ku sugan yihiin magaalada Marka islamarkaana la xallliyay wax walba oo kallifay in magaaladaasi laga baxo.
“Kasoo bixitaankii Marka ee ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM waxaa ka dambeysay farsamo xumo oo Labada ciidan ah, waana nasiib darro, balse waxaan idiin sheegayaa in hadda la xalliyay wax walbo ciidankana ay ku wada sugan yihiin guud ahaan Marka” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose.




From the comments