Xildhibaan Maxamed Yuusuf oo Ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa Isniintii shalay oo taariikh ahayd 8 Febraayo hadal uu ka jeediyay baarlamaanka hortiisa ku sheegay in madaxweynaha dalku uu meel ka dhac ku sameeyay dastuurka qaranka isagoo xasaanadda Xildhibaanada ku tuntay oo amar ku bixiyay in Xildhibaanada la baaro sharaftana laga qaado.
Xildhibaanka ayaa sheegay in xildhibaanno kale oo dalka ka baxayey baaritaanno lagu sameeyay kabihiina xitaa laga siibay wax walbaa laga sameeyay, waxayna noqotay in madaxweynuhu awood u yeesho inuu dastuurka ku tunto, amarna ka baxsho wax aan dastuuri ahayn oo sharaftii Baarlamaanka lagu tunto.
Maxamed Yusuf ayaa ku nuux-nuuxsaday in ay wadaan qorshe mooshin degdeg ah oo ku saabsan in dastuurka la ilaaliyo oo aan lagu xad-gudbin sharafta qaranka oo ay ka keeneen madaxeynaha dalka.




From the comments