Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kalfadhigiisii 7-aad,kulankiisa 34aad , kulanka ayaa waxaa ajandaha ku jiray akhrinta 3-aad ee sharciga Maareeynta Musiibooyinka oo ay soo gudbiyeen guddiga arrimaha gudaha,maamullada gobollada iyo amniga.
Hay’adda maareynta masiibooyinka Soomaaliyeed “SODM”, waxaa la aas-aasay August 03,2011, ka dib markii ay dhacday abaartii ku dhufatay Gobollada Koofurta iyo Bartamaha dalka, toban kun oo barakacayaal ah si xoogle ugu soo qul-quleen magaalada Muqdisho, ayagoo aan haysan wax hooy, cunno, iyo biyo ah,si ay u maareyso waxna uga qabato dhibaatadaas, sidoo kalena ay ka hortagto ama ay yareyso musiibooyinka iyo khataraha kale ee dalka ka dhici kara mar kasta.
Ha’aydda “SODMA” ayaa lagu aas-aasay go’aan gole wasiiro iyo dekreeto madaxwene, hase yeeshee aan laga ansixin sharciyadeeda golaha shacabka .




From the comments