Ra’iisal Wasaare ku-Xigeenka Dalka Mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa maanta ka qayb-galay xaflad lagu xusayey sanad guuradii 51aad ee ka soo wareegtay aas-aaska Ciidamada Badda iyo Difaaca ee XFS, taas oo ay ka soo qayb-galeen Golaha Wasiiradda, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida iyo hoggaanada kala duwan ee Ciidamada dalka.
Hadal uu ka jeediyay munaasibadaasi Mudane Carte wax uu ugu harayn mahadnaq iyo salaan u gudbiyay guud ahaan ciidamada qalabka sida gaar ahaana Ciidamadda Badda iyo qoysaskooda oo uu ILAAHAY uga baryay in sanadkan kiisa Nabad iyo barwaaqo ku gaarsiiyo.
“Ciidamada Baddu waa inay masuuliyad iska saaraan oo ilaaliyaan hantida ummadani ay leedahay iyo khayraadka Badda ku jira, waa in aynu iska xil saarno shuruucda caalamiga ah ee kalluumaysatada, sidoo kalena waa in baddeena aynu ka hor istaagno kalluumaysiga sharci-daradda ah”




From the comments