Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay haween ka kala socday qeybaha bulshada Rayidka sida, Guddiyada, Bulshada Rayidka, ururada iyo qeybaha kale ee muhiimka ah isaga oo la tashi ballaaran kala sameeyay qaabka loo wajahayo xaaladda dalka, gaar ahaan Hannaanka Doorashooyinka dalka ee sanadkan 2016 iyo weliba Koontada haweenka Soomaaliyeed ku yeelan doonaan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulankan waxa ay si toos ah oo furan su’aalo u weydiiyeen haweenkii shirka ka soo qeybgalay waxayna haweenku uga mahadceliyeen wada hadalka xukuumadiisa la yeelaneyso iyo talo is weydaarsiga waxayna soo jeediyeen in la badiyo kulamada ceykan oo kale ah si looga faa’iideysto maskaxda haweenka iyo dhamaan qeybaha bulshada rayidka ah.
Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa u balan qaaday haweenka in kaalintooda aan dib loo dhigi doonin si gaar ahna wuxuu carabka ku adkeeyey inay heli doonaan Koontada loo balan qaaday ee ah 30% (Boqolkiiba soddon) iyo in ka badan.




From the comments