Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa maanta ku soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, Ra’isul Wasaarihii hore ee Ciraaq hadana ah Madaxweyne ku xigeenka dalkaas Mudane Iyaad Calaawi iyo wafdi uu horkacayo oo maanta booqasho hal maalin ah ku yimid Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Cumar oo kulan kula qaatay Garoonka Diyaaradaha ayaa uga mahadceliyey Wafdiga Madaxweyne ku xigeenka booqashada ay ku yimaadeen dalka Soomaaliya, isagoo xusay in Soomaaliya iyo Ciraaq uu ka dhexeeyo Xiriir soo jireen ah, isla markaana ay is dhaafsan doonaan qibradaha la xariir la dagallanka argaxisada.
“Dawladda Soomaaliya iyo shacabkeeda waxay idin ku soo dhaweynayaan Caasimadda Muqdisho. Waxaan rajeynayaa maadaama aan haatan ka soo kabaneyno dagaaladii sokeeye in Soomaaliya iyo Ciraaq uu xiriirkooda sii xoogeysan doono, inagoo iska kaashan doona sidii labada dal ay isku dhaafsan lahaayeen wax walba oo faaiido u ah”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar.




From the comments