Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa waxay sheegayaan in ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dagaallameen degmadaasi, halkaasi oo ay ka dhalatay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.
Inta la xaqiijiyay dagaalkaasi waxaa ku dhimatay 2 qof oo mid ka mid ah uu yahay shacab, waxaana halkaasi ku dhaawacmay 5 qof kale oo dhammaan la sheegay inay ka tirsan yihiin ciidankii dowladda ee dagaallamay.
Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii ciidankaan dagaallamay qaarkood ay isku dayeen in kuwa kale hub ka dhigis ay ku samaayaan xilli ay ku sugnaayeen suuqa khaatka ee degmada Baardheere.




From the comments