Wasiirka Arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in Kalluumeysatada Soomaaliyeed ay dhibaato ku qabaan maraakiibta shisheeye ee xaalufinta ku haya xeebaha dalka.
Waxa uu sheegay wasiirka in xeebaha Soomaaliya uu ka socdo dhac iyo boob cad, isaga oo adduunka intiisa kale ku eedeeyay in arrinkaasi ay indhaha ka daboosheen.
“Waa tamar darro, talo darro, taag darro iyo innaga oo ilaahay Towfiiqda inaga qaaday intaas oo dhan markii aad isku geyso qof walbo wuxuu rabo ayuu meesha ka qaadanayaa waa lagu dhacayaa, waa lagu boobayaa, waxa ka socda xeebaha Soomaaliduna waxaa weeye dhac iyo boob cad oo aduunka intiisa kale indhaha ka haysto, inaan innagu soo dhacsanno weeyaan, cid kuu soo dhicineysa ma jirto, hadii ninka Kalluumeysiga ee ka yimaada Yurub, Chine, Japan, Iran meesha uu rabo haka yimaadee ama Shirkad hebel hadii uu sameynayo 10, 20, ama 100 Milyan muxuu macruuf kugu sameynayaa, annagu waa in aan joojinno, hadii aynu Soomaali nahay waxaa nalaga doonayaa inay soo noqoto su’aasha ah sideen wax u qabsannaa, sideen xeebteenna u ilaalsannaa, sideen xoolaheena u dhaqannaa, caruurteenna u korinnaa, tacliin u sameysannaa, sideen u rabnaa inaan aduunkaan uga mid noqonno, cid noo sameyneysa ma jirto, adduunka intuu uu inoo sameyn karayey waa uu inoo sameeyay, qaarna waxba kuuma sameynayaan oo wey ku dhibayaan, waxa weeye innagu maxaan qabsan karnaa, maxaan sameysan karnaa, u noolaan karnaa, sideen caruurteenna u korsannaa, dadkeena masaakiinta ee Kalluumeysanaya waxay u baahan yihiin Tamar, taageero, waxay u baahan yihiin in loo qeyliyo oo loo hiiliyo, innaguna inaan isku hiilinno weeye” ayuu yiri wasiir Hadliye.




From the comments