Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaa ka dhacay shir ballaaran oo looga hadlayay maamulka Hawada Soomaaliya, iyo sidoo maamulka Hawada loogu wareejin lahaa dowladda Federaalka ee Soomaaliya.
Shirkani waxaa ka qeybgalay wasiir ku xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Xirsi Aadan Rooble, safiirka dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya Jamaal Maxamed Xasan, guddiga baarlamaanka u qaabilsan gaadiidka iyo duulista Hawada iyo hay’adda maamusha hawada Soomaaliya ee ICOA.
Kulankaan ayaa markii uu soo gabagaboobay waxaa saxaafadda magaalada Nairobi kula hadlay safiirka dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya Jamaal Maxamed Xasan, waxaana uu sheegay in kulanka uu kusoo dhamaaday jawi wanaagsan.




From the comments