Qaar ka mid ah xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa soo dhaweeyay meelmarintii shalay golaha wasiirada ee sharciga axsaabta dalka.
Gudoomiyaha Xisbiga Umadda Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa ku tilmaamay meelmarinta sharciga axsaabta ee Golaha wasiirada ay meel mariyeen Guul u soo hoyatay Umadda Soomaliyeed.
Sakariye ayaa sidoo kale sheegay in ay ka laabanayaan go’aankoodii dacwadda ay kaga gudbiyeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya iyo wasiirka arrimaha gudaha oo ay ku eedeeyeen in sharcigaan uu ka gudbi weysanaa.



From the comments