Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in habeenkii xalay ahaa u suurta gashay in Al-shabaab ay kala wareegaan deegaanka Buurweyn ee gobolka Hiiraan.
Ciidamadan ayaa la sheegay markii ay ku wajahnaayeen deegaankaasi oo ka mid ah deegaannada hoostaga degmada Buuloburde in iska caabin kooban ay kala kulmeen ciidamada Al-shabaab.
Gudoomiyaha degmada Buuloburde Cabdicasiis Duurow Cabdi oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay qabsashada deegaankaasi oo muddo badan Al-shabaab maamulayeen, balse ma aanu sheegin wax khasaare ah oo Labada dhinac soo kala gaaray.




From the comments