Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa ku waramaya in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay howlgallo ka wadaan xaafado ka mid ah magaaladaasi.
Qof ku sugan magaalada Marka ayaa u xaqiijiyay Goobjoog News in ciidamada ay howlgalkaan ka sameeyeen xaafado ay ka mid tahay xaafadda Ruusiya.
Weli ma cadda tirada dadka lagu soo qabqabtay howlgalkaan, hase ahaatee ciidamada ayaa qaar ka mid ah guryaha halkaasi ku yaalla gudaha u galay.




From the comments