Degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa lagu soo waramayaa in habeenkii xalay ahaa lagu dilay Haweeney magaceeda lagu sheegay Farxiyo.
Dad la sheegay in ay dirirsanaayeen seyga haweeneydaan ayaa fiidkii xalay yimid hoygeeda, waxaana la sheegay markii ay waayeen seygii ay raadinayeen in haweeneydii ay Mindi (Toorey) ku dileen sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka.
Mas’uuliyiin ka mid ah maamulka degmada Afgooye oo aynu xiriir la sameennay ayaa si kooban u sheegay in la wado baaritaanno ku aadan dadkii ka dambeeyay dilka haweeneydaasi.




From the comments