Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaarey magaalada Munich ee dalka Jamhuuriyadda Federaalka ee Jarmalka, isagoo ka qeybgalaya Shirka 52-aad amniga ee Munich (Munich Security Conference).
Shirkan caalamiga ah ayaa waxaa kasoo qeybgalaya ilaa 30 hoggaamiye oo waddamada dunida ka socda, iyo ilaa 70 wasiirro dibadeed iyo difaaca.
Arrimaha ugu waaweyn ee diiradda lagu saarayo shirka sannadkan waxaa ka mid ah xasiloonida dalalka Saxaraha ka hooseeya oo ay Soomaaliya ku jirto, qaabka Yurub ay uga jawaabtey qulqulka qaxootiga ku soo badanaya Yurub, dagaalka Syria, xakameynta hubka, iyo cudurada ku sii baahaya dunida.




From the comments