Gudoomiyahii hore ee gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay ku fashilantay dhismaha ciidan qaran.
Waxa uu sheegay in dowladda ay qarameysay oo kaliya maleeshiyo beeleedyadii bedalkii loo baahnaa in la helo ciidan qaran oo amniga sugaya, ilaalinaya guud ahaan xuduudaha dalka.
“Wiil ka yimid Puntland ama dowlad goboleed kale bal ka fiiri ciidanka dowladda, waxaad eegtaa dowlad gobaleedyada ma aqoonsan yihiin ciidan qaran, ciidankeenna badda oo ciidan qaran ah ma tagi karaan xeebaha Puntland, ma tagi karaan Jubbaland, ciidankeenna dhulka ma tagi karaan xuduudda aan la leennahay Itoobiya, sababta aysan meelahaasi u tagi karin ayaa ah in aysan u aqoonsaneen ciidan qaran oo ay ciidan qabiil u aqoonsan yihiin” ayuu yir Tarsan.




From the comments