Halista Tahriibka Oo Laga Digey

Dhallinta Soomaaliyeed ee ku hanaqaaday dhibaatooyinkii laga dhaxlay burburkii dowladdii dhexe ee dalka ayaa xiligan ah kuwa intooda badan ku fikira in gebi ahaanba dalka ay iskaga baxaan iyaga oo dal kooda ka doorbiday ku noolaanshaha waddamo shisheeye
Waa dhibaato inteeda la’ eg inaad ku noolaato meel aadan garaneyn dhaqankeeda afka looga hadlayo haddana laga yaabo in mararka qaar lagu jinsi faquuqo
Balse dhallinta Soomaaliyeed iyaga oo aan intaas oo dhibaato ah dheg jalaq u siin ayey ku dhiiradeen waddamo badan oo cunsuriyadoodu ay aad u sareyso
Iyada oo taasi ay kaba daran tahay dhibaatooyinka aad kala kulmi karto inta aadan gaarin halkii kuu qorsheysneyd inaad hiigsato
Qof walba oo dhallinyarada Soomaaliya ka mid ah marka laga reebo tiro yar waxa ay aaminsan yihiin waddamada yurub in ay taallo nolosha hadda ay ku nool yihiin mid ka wanaagasan.
Maxmed Cali Maxmed oo ah wiil dhallinyaro ah waxa uu ku hun-goobay iskudayo fara badan oo uu doonayay in uu ku gaaro dibadda waxa uu sheegay in ka badan 9-eer uu iskudayey in uu ka gudbo saxaraha liibiya balse aysan u suurta gelin iyagoo xusay in muddo dhan seddex sano oo noloshiisa ka mid ah in uu ku qaatay xabsi ku yaalla dalka liibiya
Maxmed hadda waxa uu ku sugan yahay dhulkiisa hooyo waxa uu sheegay in uu ka tanaasulay rafaad dheer ka dib qorshihiisi ahaa in uu waddanka iskaga tago
Ma sahlana in waddankaaga aad ka tagtid waddan kalena aad si fudud ku gashid waxaa jira caqabado badan oo ay u nugul yihiin dadka doonaya in ay gaaraan waddamada caalamka.
Waxaa ku sugaya safar dheer oo dhibaatadiisa ay bilaabaneyso xilliga aad cagta saartid wadada loo marayo safarkaasi
Waa murugo iyo gocasho xanuun badan oo uusan jirin halbeeg lagu qiyaasi karo marka aad aragtid ama aad maqashid xadiga ay la eg yihiin dhibaatooyinka haysta dhallinyarada badda ku safarta ee raba in qatartaasi naftooda ay ku biimeeyaan
Dhinaca kale Warsame Jaamac Guure waa qof wax badan ka garanaya dhaqamada waddamada reer galbeedka.
Muddo dhan 23 sano ayuu ku noolaa qurbaha hadda waxa uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho waxa uu sheegay in waddamada reer galbeedka dhibaatooyin fara badan ay kala kulmaan dadka Soomaaliyeed markii ay tagaan isaga oo sheegay in dhibaatooyinkaasi ay ka mid yhiin jinsi faquuq.
Tacadiyada kale oo ay ka mid yihiin in ay dhacdo mararka qaar in xuquuqdooda la duudsiiyo.
Soomaalidu waxa ay tiraahdaa dal aan dalkaada ahayn waa dareen ku joog marka aad dib u eegtid micnaha maahmaahdan waxa ay sawirka bixineysaa dhibaatooyinka uu qabi karo qaf aanan dalkiisa ku sugneyn.
Waakan Warsame wuxuu dhallinta Soomaaliyeed kula taliyay in aayaha dalkooda ay ka fikiraan dulqaadna ay muujiyaan isaga oo carrabka ku dhuftay in dhallinta looga baahan yahay dib u soo celinta sharafta dalkooda.
Waxaa jira dhallinta qaar oo warmooge ka ah wax yaabaha dhallintu badi ay ku fikiraan.
Cabdi Daahir Garaad Cali waxa uu ka mid yahay da’yarta ku nool magaalada Muqdisho waxa uu Goobjoog news u sheegay in weligiis inta uu noolaa uusan ku fikirin in dalkiisa uu ka tago isaga oo hiigsanaya waddamo kale.
waxa uu tlimaamay qofka dalkiisa isaga tagaya in uusan ku kalsooneyn waddankiisa dhallintana loo bahan yahay in waddankooda ay ku kalsoonaadaan.
Muddada ka badan seddex iyo labaatanka sano ee dalku uu burburka ku jiray waxaa sii kordhayey dadka u hanqaltaagaya waddamada reer Yurub balse aanan dareensaneyn in dalkoodu uu uga nacfi badan yahay waddamada xilligan ay u sii ordayaan .
W/D: Xasan Xaaji Maxamed (Xasan Kaafi)