Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay waxaa maanta gaaray wafdi uu hogaaminayo wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Michael Keating, kuwaasi oo kulamo la leh madaxda maamulka Koonfur Galbeed.
Wariyaha Goobjoog News ee gobalka Baay Aadan Geesey ayaa soo sheegaya in xubnaha uu hogaaminayo Michael Keating ay ka mid yihiin safiirada dalalka Itoobiya iyo Uganda ee Soomaaliya, xubno ka mid ah Midowga Yurub iyo xubno kale.
Waxa ay madaxda maamulka Koonfur Galbeed ay kala hadlayaan arrimaha ku aadan nidaamka doorasho ee sanadkaan 2016, kadib diidmadii Puntland ee qaab qabiilka 4.5.




From the comments