Ra’iisul Wasaare ku-Xigeenka Dalka Mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa maanta ka qayb-galay xaflad lagu xusayay sanad guuradii 56aad ee ka soo wareegtay aas-aaska Ciidamada Cirka Soomaaliya, munaasibadaas oo ay ka soo qayb-galeen Wasiiradda Gaashaandhiga, Cadaalada iyo dhamaan Hoggaanadda Ciidamada Qalabka sida.
Hadal uu Munaasibadaasi ka jeediyay Mudane Carteh wax uu ugu horayn mahadnaq iyo salaan u gudbiyay guud ahaan ciidamada qalabka sida gaar ahaana kuwa Cirka iyo qoysaskooda oo uu ILAAHAY uga baryay in sanadkan kiisa ay ku gaadhaan barwaaqo iyo nabadgalyo.
Ra’iisul W/ku-Xigeenku waxa uu ka hadlay muhiimada ay ciidamada Cirku u leeyihiin DFS iyo sida ay ugu baahan yihiin in la soo celiyo sumcadii iyo sharaftii ay hore u lahaayeen, waxaanu dhamaan u mahad caliyay saraakiishii ka soo qayb-qaatay halgankii Ciidamada Cirka, si gaar ah waxa u xusay haweenaydii ugu horeysay ee duuliye ciidamadda cirka ka noqotay Dhame Asli Calan-side.





From the comments