Caqabadaha Ay La Kulmaan Soomaalida Ku Nool UK

Dalka Ingiriiska waxaa ku nool Soomaali badan kuwaasi oo badi halkaasi tagay wixii ka dambeeyay burburkii dowladii dhexe ee dalka.
Waxaa jirta caqabado ay la kulmaan qaar ka mid ah Soomaalida UK, sida uu Goobjoog News ugu warammay Cabdiraxmaan Macoow oo 15 sano ku nool dalkaasi.
“ Aniga waxaan jaamacad kaga baxay bariga Londan jaamacadda heerka koobaad iyo heerka labaad Waddankan waxaan ku noolahay muddo 15sana ah anigoo yar ayaan imid illaa haddana waan joogaa
Soomaali badan ayaa ku nool UK gaar ahaan caasimadda dalkan ee London aniga markii aan jaamacadda ka samaynayey darajada labaad ee masterka waxaan ka qoray buug aan ugu magac daray “Taariikh Nololeedka Soomaalida ku nool UK” buuggaana hadda waxaa socota daabacaaddiisa Horayna waan u daabacay.
“Aniga waxaan la shaqeeyaa Soomalida ku nool dalkan Ingariiska waxaan ahay u dhaq dhaqaaqe arrimaha bulshada ah oo waan caawiyaa Soomaalida ku nool dalkan”
“Waxaa kale oo aan la shaqeeyaa sida aan kuu sheegay jaamacado ku yaalla Londan marka Soomaali badan ayaa ku nool waddankan waxayna u baahan yihiin in la caawiyo la garab tag naado anigana arrimahaa ayaan kala shaqeeyaa”
“Badi Soomaalida ku nool magaalooyinka dalkan aniga geeskeyga ayaan ka caawiyaa waxaanan u ahay u dhaq dhaqaaqe arrimaha Soomalida, Wey iska jiraan dhibaatooyin soo wajaha Soomaalida ku nool UK waxaan sigaar ah uga caawiyaa dhibaatooyinka soo gaara dhallinyarada Soomaliyeed ee fal dambiyeedyada lagu soo e deeyo waxaan tagaa xabsiyada dalka ingariiska si aan ugu dooda qofkaas dhallinyarada ah marka arrimahaana waan ka ka caawiyaa ”
“Intii aan waday caawinta Soomaalida ku nool UK waxaa iigu darnaa kiis aad ii damqay oo ahaa wiil Soomaaliyeed oo dowlada waddankan ay xirtay oo 8sano lagu xukumay kadibna uu ku dhacay xanuunka maskaxda oo la geeyey goobaha lagu dabiibo dadka dhimirka ka xanuunsan”
“Runtii Soomaalida ku nool dalkan waxay isugu jiraan kuwa sanado dhow yimid oo ay ku adkaato la qabsiga nolosha dalka oo xataa aan barno sidii ay ugu noolaan lahaayeen waddankan ”
“Aniga waxaa kale oo aan dhex tagaa baarlamanka UK marka ay ka hadlayaan arrimaha bulshada wax quseeya kulankii ugu dambeeyey waxaa looga hadlaayey cadaaladda bulshada iyo jaangoynta dhaqaale ee dalka anigana waxana ku kordhiyey fikirada bulshada Soomaliyeed ee ku nool Londan.”
Waxaan sidoo kale, wax ka weydiinay Caqabadaha heysta Soomaalida UK, Macow ayaa ku jawaabay
“Caqabadaha ay qabaan Soomaalida ku nool dalka UK waxaa ugu badan dhib ay ku qabaan dhanka waxbarashada oo waxaa laga yaabaa in cunugan uu ku soo barbaaray dalkeena Soomaaliya ama isagoo weyn la keenay dalka UK ka dib waxaa aad ugu adkaanaya qofkii dhallinyarada ahaa inuu la qabsado Waxbarashadii ka dibna waxaa dhacda in iskuulkii laga ceyriyo marka caqabadda ugu weyn waa taa inkastoo dhallinta Soomaliyeed ee UK aanan la wada dhihi karin wax ma bartaan laakiin waa qaarkood”
“Hormarada Soomaalida ku nool dalka ingariiska marka laga hadlaayo horta dalka ingariiska waxaa ku nool magalooyinka ay dagan yihiin Soomaalida dadyow kale oo u dhashay waddamo kale marka midaas laga tusaalo qaato Soomaalida waa la dhihi karaa hormar wey ka gaareen dalkaa ay joogan ”
“Soomaalidu in ka badan 30sano ayey ku nool yihiin waddankan aan joogo, waxay ku nool yihiin nolol wanaagsan dhib toosa oo haysta ma lahan waxa ugu wanaagsan waxay tahay Soomaalidu inay tahay dad ganacsiga wax badan ka yaqaano oo ganacsan kara qaar badan oo caruurtooda ay halkaa ku dhasheen heer wanaagsana ay ka gaareen dhanka wax barashada”
“Caqabad ay ka siman yihiin badi Soomaalida k unool UK ayaa jirta waana dhanka luqadda oo ay ka liitaan oo aysan baran Soomaalida dalkan ku nool 70-60 sano jir Soomaali ah ayaa ugu horeeya oo xilliya fog dalkan yimid haddana luqaddii kuma wanaagsana sidoo kale 40-30 sana jir ayaa jira oo Soomaaliya sanado jooga iyaguna waa la mid oo xoogga ma saaraan luqadda dalkan la joogo ee ingariiska ”
Goobjoog News