Wasiirka gaashaandhigga Ingiriiska Penny Mordaunt MP oo Soomaaliya soo booqatay ayaa sheegtay in dalkeeda uu bixin doono ilaa $ 4.3 million oo lagu taageerayo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, arrintan oo qeyb ka ah sanduuqa UN Somali National Army Trust Fund.
Wasiirka ayaa sheegtay in lacagtan loogu talo-galay in ciidamada qalabka sida laga taageero dhanka raashiinka, Shidaalka iyo daawada.
Wasiirka oo hadashay ka dib markii ay kulan la yeelatay ra’iisul Wasaaraha dalka Cumar Cabdirashid waxaa ay sheegtay in ay ku faraxsan tahay in Uk ay bixiso lacag dhan $ 4.3 million oo lagu gacan siinayo SNA iyo dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab iyo dib u soo celinta laamaha ammaanka dalka.




From the comments