Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in abaar saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada ay ka jiraan qaar ka mid ah deegaannada Galmudug.
Waxa uu tilmaamay Guuleed in saameynta ugu badan ee abaarahani ay ku yeesheen dadka ku nool deegaannada fog ee dhulka baadiyaha ah, waxaana uu ugu baaqay hay’adaha samafalka ah, ganacsatada Galmudug iyo cid walba oo Soomaaliyeed inay gacan ka geystaan sidii shacabkaasi loogu gurman lahaa.
“Deegaannada Galmudug waxaa ka jira abaar iyo roob la’aan, hadii ay ahaan lahayd dhinaca xoolaha iyo dhinaca dadka, waxaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed,, gaar ahaan dadka reer Galmudug ee dibadda iyo gudaha jira intaba aan ugu yeeri lahaa iney caawinaad degdeg ah dadkani ay lasoo gaaraan” ayuu yiri Madaxweyne Guuleed.




From the comments