Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka ay qorsheynayaan in lagu howlgeliyo dekadda degmada Hobyo ee gobolka Mudug.
Waxa uu sheegay Guuleed in tallaabada hore ay dekadaasi ku shaqeyn doonto qaab macmal ah oo ay keeni doonaan qalab ay kusoo xiran karaan maraakiibta yar yar iyo doomaha, tallaabada xigta ayuu sheegay in guud ahaan dekadda laga dhigi doono mid rasmi ah.
“Shaqada dekadda Hobyo waxay noqon doontaa Laba weji, mid horeeya waa midda hadda ay tahay oo dabiici ah oo la keenayo qalab u sahlaya ganacsatada shixnadaha inay qalabkooda kula soo degaan, wejiga Labaadna waa in dekad rasmi ah laga dhiso Hobyo, sida ay u kala horeeyaan ayeeyna noogu kala dhamaan doonaan” ayuu yiri Guuleed.




From the comments