WAR DEG DEG AH: Dabley Qof Ku Dilay Degmada Wadajir
Sheeko:Dalka

Dabley hubeysan ayaa goordhaw waxa ay nin ku dileen xaafadda Ceelqalaw ee degmada Wadajir.
Goobjooge la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ninka la dilay uu watay gaari, dableydana ay ku horgooyeen gaari kale ka dibna xabado ku fureen.
Goojoogaha waxaa uu intaa ku daray in gaariga uu saarnaa ninka la dilayo oo kaliya, welina uu meydkiisa yaallo halkii lagu dilay.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog News