Wasaaradda Waxbarashada Iyo Dalladaha Oo Heshiis Gaaray

Waxaa Isniintii Muqdisho heshiis ku gaaray wasaaradda waxbarashada ee federaalka iyo Dalladaha waxbarasho.
Wasiirka waxbarashada dowladda federaalka Khadra Bashiir Cali oo madasha ka hadashay ayaa sheegtay in heshiiskan uu guul u yahay bahda waxbarashada, iyadoo intaa ku dartay in heshiiskan uu soo afjarayo khilaaf horay u jiray,
Khadra Bashiir Cali waxay hadalkeeda ku soo gabagabeysay in bisha June ee sanadkan uu dalka ka dhici doono Imtixaan mideysan oo ay dowladda gar wadeen ka tahay.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Xaamud Cali Xasan ayaa isna sheegay in wasaaradda waxbarashada ay mas’uul ka tahay dejinta siyaasadaha waxbarasho ee dalka, Imtixaanka mideysanna waxaa lagala tashan doonaa Dalladaha waxbarasho
Heshiiskan waxaa ka soo shaqeeyay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka socday hey’adda culimada Soomaaliyeed iyo Cabdulahi Maxamed Shirwac oo ah guddoomiyaha Dalladda SOSCENSA
Gurxan iyo Shirwac ayaa dhankooda sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin heshiiskan dhexmaray Wasaaradda iyo Dalladaha waxbarasho iyagoo ku booriyay in mustaqbalka laga fogaado wixii khilaaf keeni kara.