Maamulka degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa been abuur ku tilmaamay in weerarkii habeen kahor Xarakada Al-shabaab ku qaadeen degmadaasi looga dilay 10 ka mid ah askarta degmadaasi.
Yuusuf Maxamed oo ah madaxa amniga ee degmada Afgooye ayaa u sheegay Goobjoog News in wararkaasi ay ahaayeen kuwo lagu buunbuuniyay weerar degmadaasi, islamarkaana askartooda aanay soo gaarin khasaare badan.
Waxa uu sheegay in ciidamada amniga ay xilli walba heegan ugu jiraan inay ka hortagaan weerarada Al-shabaab ay la damacsan yihiin degmadaasi iyo sidoo kale cid walba oo amniga qalqal ku beeraysa.




From the comments