Maamulka degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay dil la sheegay in Xarakada Al-shabaab ay u geysteen nin dhallinyaro ah oo muddo Shan Bil kahor ah ka qafaasheen degmadaasi.
Gudoomiyaha degmadaasi Cabdicasiis Duurow oo la hadlay Goobjoog News ayaa ugu horeen beeniyay in shaqsigaasi la dilay uu ka tirsanaa dowladda Federaalka, wuxuuna tilmaamay in ninkaasi ay ogaayeen inuu ahaa nin shacab ah.
Waxa uu tilmaamay in ka maamul ahaan ay aad uga xunyihiin muwaadinkaasi Soomaaliyeed ee la dilay, balse waxa uu tilmaamay in dilka ninkaasi ay ka dambeeyeen Al-shabaab oo muddo Shan Bil kahor ah qafaalatay.




From the comments