Waxaa maalmahan magaalada Muqdisho jooga wafdi ka socda maamul goboleedyada dalka oo ka kooban Afhayeenada Maamul goboleedyada dalka iyo min afar xildhibaan oo la socota, iyagoo magaalada u yimid arrimo la xiriira dib u eegista dastuurka.
Shirarkan wada tashiga ah waxaan ka soo qeyb gelin Puntland oo Afhayeenka baarlamaanka Axmed Cali Xaashi iyo wafdigiisuba ay ka baaqsadeen iney magaalada Muqdisho soo gaaraan, sababo lagu sheegay wadatashi guud oo ka socda Puntland isla markaana aaney suuro gal u ahayn iney ka maqnaadaan, iyadoo dhanka kalena la tilmaamayo iney Puntland u maqan tahay cabasho la xiriirta qaabka doorashada ee la filayo in Soomaaliya laga hirgeliyo 2016 aan ku jirno.
Haddaba si aan wax badan uga ogaanno saameynta ay ku yeelan karo maqnaanshiyaha Puntland ee arrimaha dib u eegista dastuurka Goobjoog New ayaa waxay xiriir la sameysay Aqoonyahan Ibraahim Muuse Heero oo ah falanqeeye siyaasadda Soomaaliya, waxa uu sheegay iney wanaagsanaan lahayd in Puntland ay shirarka ku soo bandhigto dhaliilaha ay tirsanayso.




From the comments