Deegaannada uu ka arrimo maamulka Puntland waxaa ka soconaya shirar kala duwan oo looga hadlayo geeddi socodka doorashada sanadkaan la filayo in dalka ay ka dhacdo iyo nidaam beeleedka 4.5 ee xilligaan laga diidan yahay deegaannadaasi.
Shirarkani waa badankood ka qeybgalaya isimada, waxgaradka iyo nabadoonnada Puntland, waxaana looga arrinsanayaa go’aanka ay Puntland ku diidday 4.5 in Soomaaliya wax loogu qeybiyo iyo mustaqbalka siyaasadda maamulkaasi.
Nabadoon Daahir Cumar oo qeyb ka ah ururrada bulshada ayaa sheegay in shirarkaasi ay ka soconayaan deegaanno kamid ah Puntland isla markaana ay u suurtagal tahay in isimada Puntland ay isku raacaan in la taageero hanaanka 4.5 oo hadda xukuumadda Cabdiweli Gaas ay si weyn uga soo horjeedo.




From the comments