Wararka ka imaanaya gobalka Gedo ayaa sheegaya in goor dhaw diyaaradaha dagaalka ee Kenya ay duqeyn ka geysteen deegaanno ka mid ah gobalkaasi.
Duqeyntaan ayaa ka dhacday deegaanka Buurcarro iyo deegaanno kale oo ku dhaw degmooyinka Beladxaawo iyo Bardheere.
Illaa iyo haatan lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaan iyo sidoo kale cidda ay bartilmaameedsanayeen diyaaradahan.




From the comments