Ruushka ayaa ugu yeeray Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay in kulan degedeg ah ay isugu yimaadaan si looga doodo wax dalka Ruushku uu ugu yeeray xaaladda ka sii dareeysa ee ka taagan xuduuda u dhexeeysa dalalka Turkiga iyo Siiriya.
Warka soo baxay shalay oo jimca aheyd wadaaradda arrimaha dibadda dalka ruushka ayaa lagu xusay in ujeedada kulanku uu yahay sidii Turkigu uu u joojilahaa tillaabooyinka maja xaabinaya xabad joojin ka hirgasha dalka Siiriya.
Turkiga ayaa qorsheeynaya in ciidamo dhanka dhulka ah uu u diro dalka ay dariska yihiin ee Siiriya.




From the comments