Odayaasha dhaqanka ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in uu dib u furmo shirkii magaalada Jowhar ee maamul u sameynta gobollada Sh/dhexe iyo Hiiraan.
Kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen Odayaashan ayaa sheegay in ay dowladda Federaalka ka rajeynayaan in waxgaradkii dhisi lahaa maamulkaan ay dib isugu keenaan, islamarkaana ay cashir ka barato waxyaabihii horay u dhacay ee keenay inuu hakado shirkaasi.
Sheekh Maxamuud Sheekh Yuusuf oo ka mid ah Odayaashii dhaqanka ee kulankaasi ka qeybgalay ayaa usoo jeediyay wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya in ay cadaaladda ka eegto dhismaha maamulka Sh/dhexe iyo Hiiraan, sidoo kalena sheegay in ay ogaato in marnaba aanay dhici doonin wax ay diiddan yihiin Odayaasha dhaqanka.




From the comments