U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Ciidanka Dowladda Oo Howlgallo Dad Lagu Qabtay Ka Sameeyay Degmada Dharkeenley

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxay howlgal ballaaran ay ka sameeyeen degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho kaasi oo dad lagu qabtay.

Howlgalkaan ayaa ahaa mid ciidanka ay billaabeen maqribkii xalay, waxaana ay soo idleeyeen abaare 9-kii fiidnimo (Seddax Saac).

Ciidanka ayaa dadkii galayey degmada Dharkeenley ee gaadiidka ku socday dhammaan wada dejiyay, waxayna fasaxayeen oo kaliya haweenka.

In ka badan 500 oo qof ayeey ciidamada dowladda meel isugu geeyeen si ay u baaraan, waxaana howlgalkaasi ay kula baxeen Hal qof oo la sheegay in uu ka mid ahaa dadkii ciidanka ay soo uruuriyeen.

Maamulka degmada Dharkeenley iyo saraakiisha booliiska ee degmadaasi oo shacabkii lasoo qabtay si wadajir ah ula hadlay ayaa u sheegay in ugu horeen howlgalkani uu ahaa mid shacabka oo dhan u dan ah, islamarkaana lagu xaqiijinayay amniga guud.

Waxay tilmaameen in ulajeedkoodu aanu ahayn in shacabka ay ku dhibaateeyaan, balse ay doonayeen oo kaliya in la xaqiijiyo amniga degmada Dharkeenley.

Marka laga reebo shaqsigii ay ciidanka ammaanka sida gaarka ah ula baxeen waxaa lasii daayay dhammaan dadkii kale ee howlgalkaasi lagu qabtay.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxay howlgallo ballaaran ka wadeen qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho.

Goobjoog News