Dalka Mareykanka waxaa ka socda doorashidii hordhaca ahayd ee xisbi kastaa uu ku xulanayay cidda u matalaysa doorashada guud ee dalka Mareykanka.
Dhanka xisbiga Jamhuuriga ayaa waxaa guul ka gaaray gobolka South Carolina Trump oo helay cododkii gobolka 32.8%, halka musharxiinta Ted Cruz iyo Marco Rubio ay ku tartamayaan kaalinta labaad iyo seddexaad iyagoo kala helay min 22,4% iyo 22.1%, Jeb Bush ayaa isagu helay dhankiisa 8% , isagoo soo fariistay kaalinta afaraad, dib u dhacaasi waxa uu keenay in uu ku dhawaaqo in gabi ahaanba uu isaga baxo tartanka madaxtinimo ee xisbiga jamhuuriga.
Dhanka kale Hillary Clinton ayaa si dirqi ah kaga guuleysatay doorashooyinkii horudhaca ee xisbiga Dimuqraadiga dalka Mareykanka.




From the comments