Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda, Yoweri Kaguta Museveni oo mar kale loo doortey xilka madaxtinimada dalkiisa.
“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan kugu hambalyeeyo doorashada mar kale ay shacabkaaga ku doorteen, waxaan kuu rajeynayaa inaad ku guuleysato hawsha adag ee ku hortaalla ee aad dalkaaga ugu dhaqaajineyso xoojinta nabadda, midnimada, barwaaqada iyo in waddankaaga uu ku sii baaqi ahaado doorka uu ku leeyahay qaaradda Afrika ee dhinaca horumarka iyo nabad aslaaxinta’’, ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa sheegay in wax lagu diirsado ay tahay in shacabka reer Uganda ee uu horkacayo Madaxweyne Museveni ay adduunka tuseen biseylkooda ku dhaqanka dimoqraadiyadda si nabad ah.




From the comments