Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo saxaafadda kula hadlay Kismaayo kahor inta aanu u amba bixin dalka Turkiga ayaa sheegay in shaqsi ahaan uu isagu aaminsanyahay in Soomaalida ay iyadu tashato, wax walbana ay iyagu isla meel dhigaan.
Waxa uu sheegay in shirka ka dhacaya Turkiga looga hadli doono arrimo badan oo Soomaaliya quseeya sida amniga iyo isbedallada siyaasadeed ee la filayo sanadkaan.
“Kolley waxaan aniga rumeysnahay waxa weeyaan, Istanbul, ama London la tagyaa Soomaalida inay iyadu tashato oo gudaheeda wax isku ogaato ayaa kasii fiican, balse wixii caalamka nagu caawinayo kulli waan arki donnaa, waxaan rajeyneynaa in uu guul kusoo dhammaan doono, waxa ugu badan ee la filayo inay noqon doonto sida loo fulinayo howsha 2016 doorashada nooca ay noqon doonto, arrimaha ammaanka iyo arrimo la xiriira horumarinta bulshada iyo dhaqaalaha, waxa ugu muhiimsan ee aan is leeyahay waa laga hadli karaa waa arrimaha amniga iyo xaaladda maanta dalka uu ku jiro” ayuu yiri Axmed Madoobe.




From the comments