Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga xuntahay dhacdadii ka dhacday garoonka Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi, halkaas oo ay Transit ku ahaayeen wafdi uu hogaaminayay Ra¨´iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke oo ku wajahnaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga si ay uga qeyb galaan shirka heerka sare ee wadatashiga Istanbul, (HLPF).
Inkasta oo wafdiga uu hogaaminayay Ra”iisul Wasaaraha, iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirada ay heleen soo dhoweyn heer sare ah (VIP Reception), haddana waxaa caqabad iyo dib u dhac la kulmay xubnihii kale ee wafdiga oo ay ka mid ahaayeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda.
Dowladda Soomaaliya iyo dowladda Kenya, horay waxa ay u kala saxiixdeen heshiis is faham (MOU), kaasi oo dhigayay in xubnaha sare ee dowladda FS iyo xildhibaanada Baarlamaanka inay helaan ogolaansho dal ku gal waqti kasta (issuance of visas on arrival) mar kasta oo ay u safraan dalka Kenya, iyada oon dib u dhac laheyn, waxaase nasiib darro ah in dowladda Kenya ay jebisay heshiiskaasi.




From the comments