Wararka naga soo gaaraya degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud ayaa ku waramaya in duleedka degmadaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Askartaan dagaallantay ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin ciidanka 21-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed, iyadoo dagaalkoodana uu ku billowday sida la sheegay markii ay isku qabsadeen raashiin.
Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi oo socday ku dhawaad saacad ku dhaawacantay 3 askari, waxaana mararka qaar la maqlayey iyaga oo isku adeegsanaya rasaasta culus sida qoriga dhashiigaha loo yaqaano.




From the comments