Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay dhinacyo farabadan oo taabanaya arrimaha dibadda dalka Turkiga.
Waxa uu ka hadlay dagaalada ka socda waddamada qaar uu sheegay in Turkigu la dhibaatoonayo qulqulka qaxooti aad u farabadan oo gaaraya dalka Turkiga, waxaanuu yiri maaha in aan is illowsiinno dhibaatadaas xanuunka badan.
Waxa ka socda dalka Suuriya ayuu ku tilmaamay inaan laga aamusi karin, isagoo sheegay in dhibaatada ugu badan ay soo gaarayso dalka Turkiga, isagoo yiri; jabhadda Al-Nusra, Daacish, iyo xisbiga dimuqraadiga Kurdistan iney yihiin dhamaan argagixiso dhibaato ku ah dalka Turkiga.




From the comments