Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ku- Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Jan Eliasson ayaa shalay oo Isniin ahayd gaarey magaalada Istanbul ee dalka Turkiga oo maanta 23-ka bishan uu ka furmayo Madasha 6-aad ee Heerka Sare ee Soomaaliya iyo waddamada/hay’adaha iskaashiga la leh ee dhinaca dib u dhiska Soomaaliya (High Level Partnership Forum).
Madasha HLPF ayaa waxaa martigelinaysa dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, iyadoo uu rasmi ahaan u furi doono Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan, waxaana wadajir u shir guddoomin doona Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay. Shirka Waxaa ka qeybgalaya in ka badan 200 oo ergo oo ka socda in ka badan 50 dal, hay’adaha caalamiga iyo hay’adaha Qaramada Midoobay.
Shirka oo socon doona muddo laba maalmood ah, ayaa waxaa qiimeyn iyo dib u eegis lagu sameyn doonaa horumarka laga sameeyay Barnaamijka Cahdiga Cusub ee Soomaaliya (the Somali Compact), kaas oo markii ugu horeysey lagu ansixiyey magaalada Brussels bishii September sannadkii 2013. Barnaamijka Cahdiga Cusub ayaa waxaa ka abuurmey iskaashi ku saleysan isla xisaabtan, wadaagidda khatarta iyo mas’uuliyadaha ee dhinacyada Soomaaliya iyo beesha caalamka si loo hago horeyna loogu dhaqaajiyo ajendaha siyaasadda, amniga iyo horumarka Soomaaliya.




From the comments