Maanta waxaa lagu wadaa in Istanbul lagu soo gabagabeeyo shirka Hiigsiga 2016-ka, waa shirkii 3-aad oo heer wasiiro ah, waana kii 6-aad oo looga hadlo waxa loo yaqaano New Deal-ka.
Shirkan oo talaadadii bilowday waxaa khudbado ka soo jeediyay Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Turkiga, waxaa sidoo kale laha hadlay arrimaha amaanka iyo wixii dowladda Soomaaliya u qabsoomay 3-dii sano ee Hiigsiga uu jiray.
Shirka maanta waxaa xoogga lagu saari doonaa arrimo farsamo, waxaana ka qeyb geli doono saraakiil sare oo labada dhinac ah, waxaa lagu soo gagabeyn doonaa khudbadda ra’isul wasaare ku xigeenka Turkiga H.E. Yalçın Akdoğan.




From the comments