Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Soomaaliya ay tusaale fiican u tahay xiriirka uu Turkigu doonayo inuu la yeesho dalalka Africa.
Erdogan ayaa xusay in Soomaaliya ay burbur qarka u saarneyd sanadkii 2011, laakiin maanta ay lugaheeda ku taagan tahay, waana dadaal ay sameeyeen ayuu yiri Turkiga iyo Xulafadiisa caalamiga ah.
Erdogan ayaa hadalkan ka jeediyay shir jaraa’id oo ay wada qabteen Talaadadii madaxweyne Xasan Sheekh iyo ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Jan Eliasson oo ay ka wada qeyb galayeen shirka Hiigsiga Lixaad ee Heerka sare ee ka bilowday dalka Turkiga Isniintii la soo dhaafay, laguna soo gabagabeynayo maanta magaalada Istanbul.




From the comments