Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi oo gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa lagu wadaa in maanta uu xarigga ka jaro Ceelbiyood laga hirgeliyay deegaan ku dhaw magaaladaasi oo in muddo ah biyo la’aan ay ka jirtay.
Deegaanka ceelkaan laga hirgeliyay ayaa lagu magacaabaa Sarjimaale, waxaana uu ku dhaw yahay deegaanka Bitaale oo dhinaca waqooyi bari qiyaas ahaan kaga beegan 50 Km magaalada Gaalkacyo.
Madaxweyne ku xigeenka oo xalay tagay Gaalkacyo ayaa saaka waxa uu la kulmayaa qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi, isaga oo usii gudbi doona deegaankaan Ceelka laga hirgelinayo.




From the comments