Wafdi uu hoggaaminayay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo isugu jiray xildhibaanno wasiirro ayaa mudo saacado ah lagu xayiray garoonka diyaaradaha Jommo Kenyatta ee magaalada Nairobi 21-kii bishan, inkastoo Ra’iisul wasaaraha iyo xubno wasiirro ah markii dambe loo ogolaaday iney safarkooda sii wataan ayaa haddana wxaa garoonka lagu xayiray inta badan wafdigii.
Haddaba dhacdadan ayaa yeelatay saameyn xooggan oo dhanka xiriirka labada waddan ee Soomaaliya iyo Kenya oo aad looga xumaaday sida ay u dhaqantay dowladda Kenya oo loo arkay iney dhulka ku jiidday sharaftii Soomaaliya, isla markaana ay bulshada caalamka tustay iney wax xushmad ah haba yaraateen aaney u hayn.
Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo ka tirsan baarlamaanka federaalka ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay Goobjoog News hoosta ka xarriiqay; in si kasta oo ay ku dhacdaba sharaftii Soomaaliya meel looga dhacay, isagoo ku eedeeyay wasaaradda arrimaha dibadda iyo baratakoolka xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo waliba safaaradda Soomaaliya ee Kenya iney ka gaabiyeen mas’uuliyadoodii, wadadii habooneydna ay raaci waayeen, isla markaana tilmaamay iney jirtay is dhaaf wafdiga Kenya loo sheegay iyo xubnaha Ra’iisul wasaaraha la socday oo aad uga badnaa tiradii laga filay.




From the comments