Waxaa maanta Djibouti ku shiraya hogaamiyeyaasha ay ciidamada ka joogaan dalka Soomaaliya si ay uga hadlaan mustaqbalka ciidanka nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya.
Shirka madaxeedkan waxaa ka qeygalaya Madaxweynayaasha 4 dal oo ciidan ka joogaan Soomaaliya halka wadamada kale ay Wasiiro u matali doonaan.
Dalalka shirka maanta jooga waxaa ka mid ah: Djibouti, Uganda, Itoobiya, Kenya, Burundi iyo Nigeria kuwaas oo ciidamo ka badan 20,000 ay ka joogaan dalka Soomaaliya.




From the comments