Wararka naga soo gaaraya deegaanka Lafoole ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in qarax Miino goor dhaw halkaasi lagula eegtay askar ka tirsan ciidanka dowladda kuwaasi oo halkaasi marayey.
Miinadaan ayaa la sheegay inay ku aasneyd dhulka, waxaana ay ku qaraxday mid ka mid ah kolonyo gaadiid ah oo ay la soceen askartaasi.
Inta la xaqiijiyay waxaa halkaasi ku geeriyootay Afar askari iyadoo Lix kalena dhaawac uu soo gaaray.




From the comments