Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi uu ka billowday dagaal u dhaxeeya ciidamada Galmudug oo garab ka helaya ciidamo deegaan iyo Al-shabaab oo dhinac ah.
Dagaalkaan ayaa ka socda deegaannada Caad iyo Ceelcadde kuwaa oo ku dhaw degmada Xarardheere ee Koonfurta Mudug.
Ciidamada Galmudug ayaa la sheegay in ay lahaayeen weerarka dagaalkaan, iyadoo la’isku adeegsanayo hub culus.




From the comments